Qabiirka ka faaloodo kubada cagta dalka Holland Marcel van der Kraan ayaa si rasmi ah u sheegay in Robin Van Persie uu dhawaan kooxdiisa Man United isaga hayaami doono.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa la hadal haayay in RVP uu garoonka Old Trafford isaga tagi doono madaama uu balan qaad rasmi ah inuu xili cayaareedka joogto u cayaari doono uu ka waayay macalin Van Gaal.
Marcel van der Kraan oo ah shaqsi aad ugu dhow Van Persie ayaa ka warbiyay tilaabada uu qaadi doono weeraryahankan waaya araga ah.
Marcel van der Kraan wuxuu yiri “Dhowr todobaad ka hor ayaan Robin la hadlay wuxuuna ii sheegay inuu Van Gaal kulan la qaadan doono”
“Dhawaan ayaan markale la xariiray wuxuuna ii sheegay inuusan heesanin damaanad uu Manchester kula sii joogo”
“Sidaa darteed waxaan hubaa inuu xagaagan Old Trafford isaga tagi doono asigoo baadi goob ugu jiro inuu naadig cusub ku biiro oo boos joogto ah diyaar ula ah”
31-jirkan xili cayaareedkii dhawaa ayuu ku fashilmay inuu kooxdiisa Man United caawiyo madaama uu hoos dhac weyn ku habsaday sidoo kalena ay dhaawacyo ragaadiyeen.
Waxaan sugnaaba waa tilaabada xigta ee Van Persie qaadi doono iyo naadiga uu xagaagan ku biiri doono inkastoo Man United bixitaankiisa xaqiijinin.