Kooxda Chelsea ee ka dhisan galbeedka London ayaa wada qorshe cusub oo ay kooxda awoodeeda kusii balaarineyso waxeyna markaan ku fakartay iney Stamford Bridge ka dirto wiilka lumay waayadaan ee Oscar.
Oscar ayaan dhameysan 90-daqiiqo tan iyo dhamaadkii bishii January ee sanadkaan waxaana jira warar dhowr ah oo xidigaan la xiriirinaya Juventus.
Hadaba sida lagu qoray Daily Mail kooxda waxey indhaha ku heysaa Enner Valencia oo ka tirsan kooxda West Ham kaas oo wax xili ciyaareed ku sugan kooxdaas.
Chelsea ayaa si ba’an xidigaan loola xiriiriyay bishii January ee kal hore balse ma suuroobin inuu xirto maaliyada Blues, balse haatan ayey dagaalka ay ku dooneyso dib u bilaabi doontaa.
Jose Mourinho ayaa u arka xidigaan inuu lumiyay kalsoonidii uu heystay iyo firfircoonidii uu kooxda ku caawin jiray.