Home » Maxaa Cusub » Quburada Sadaalisa Horyaalada Yurub Oo Chelsea U Sadaaliyay Hanashada EPL Xili Cayaareedkan

Quburada Sadaalisa Horyaalada Yurub Oo Chelsea U Sadaaliyay Hanashada EPL Xili Cayaareedkan


Chelsea

Inkastoo horyaalka England 11-kulan oo la cayaaray hadana quburada ku xeel dheer saadalinta horyaalada Yurub ayaa isku raaceen in xili cayaareedkan kooxda Chelsea ay si awood ku dheehan ku qaadi doonto Premiership-ka England.

Kooxda macalin Jose Mourinho uu hogaamiyo xili cayaareedkan marnaba dhinaceeda dhulka lama dhigin EPL sidoo kalena waxa u suura gashay Blues inaysan wax guuldaro ah kala kulmin kooxaha ugu awooda roon EPL.

Sidaa darteed waxaa la isku raacay in xili cayaareedkan horyaalka England uu noqon doono hal faras oo ka orod dheeran doonto dhamaan fardaha kale.

Weliba quburadan ayaa aaminsan inay dhici doonin sidii xili cayaareedkii hore oo lagu kala baxay EPL kulankii ugu dambeeyay waayo kooxaha awooda roon sida Man City, Arsenal, Man United iyo Liverpool haatan iskuma toosno.

Midaasna waxa faa’iido u tahay Chelsea oo haatan dhibco badan ka sareyso 4-naadi waxaana la sadaalinaa in bisha December hadii Chelsea ay ka gudubto ayadoo qaab cayaareekeeda wanaagsan yahay inay horyaalka England xili hore la caraabi doont.

Hadaba aqriste ma isleedahay sadaashada u xaglineyso Chelsea sanadkan waa mid sax ah mise isbadal la yaab leh ayaa dhici doono dhamaadka xili cayaareedkan!

One Response to Quburada Sadaalisa Horyaalada Yurub Oo Chelsea U Sadaaliyay Hanashada EPL Xili Cayaareedkan

  1. Naasir Ahmed Reply

    November 22, 2014 at 11:09 pm

    insha allah anigu ra yigaygu waxaan is lee yahay sidan ayay koobka ku gaadi doontoo insha allah hala chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>