Tababaraha haatan ee kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa loo magacaabay macalinka sanadka dalka Holland kadib markii uu xulkiisa u hogaamiyay iney tagaan Semi Finalka Koobkii Aduunka ee July 2014 lagu soo afjaray dalka Brazil.
Louis Van Gaal ayaa dib ugu laabtay dalka Holland si uu kaga qeyb galo xaflad ka dhacday Amsterdam habeenkii talaadada aheyd waxaana xafladda ku wehliyay Robin Van Persie iyo Daley Blind.
Van Gaal ayaa xulkiisa geeyay kaalinta sadexaad markii uu 3-0 ku garaacay Brazil, inkastoo uu rigoorayaal ku lumiyay Semi Finalkii markii ay is wajaheen Argentina.
63-jirkaan reer Holland kadib koobka Aduunka ayuu usoo guuray dalka Ingiriiska isagoo qabtay shaqada kooxda Manchester United, waxaana shaqada Holland la wareegay Guud Hiddink.
Sidoo kale Robin Van Persie ayaa abaalmarin la gudoonsiiyay waxaana gudoonsiiyay xidiga ay isku kooxda yahiin ee Daley Blind xili Jasper Cillessen uu isna kula sugnaa goobta.
Dhanka kale Arjen Robben oo ku sugan dalka Jarmalka isla markaana xalay kooxdiisa Gool ka saaciday iney kaga badiso Freiburg ayaa isna loo doortay xidiga ugu wanaagsan dalka Holland isagoo abaalmarinta ku gudoomay Allianz Arena.