Home » Latin America » Radamel Falcao Oo Guul U Horseeday Xulkiisa Colombia Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay La Yeesheen Costa Rica (+Sawiro)

Radamel Falcao Oo Guul U Horseeday Xulkiisa Colombia Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay La Yeesheen Costa Rica (+Sawiro)


Colombia

Weeraryahankii hore kooxda Manchester United Radamel Falcao ayaa dhaliyay goolka qura oo ay xulka Colombia kaga farxasheen dhigooda Costa Rica kulan saaxiibtinimo oo ay isugu diyaarinayeen Copa America.

Wiilka Monaco ee kaliya dhaliyay 4-gool, 26-kulan oo Premier Leauge-ga ah oo uu saftay ayaa xalay dhaliyay goolkiisii shanaad, shan kulan oo uu u saftay xulkiisa Colombia.

Goolka Falcao ee guusha siiyay Colombia ayaa yimid daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta wuxuuna caawinaad ka helay flopka Chelsea Juan Cuadrado.

Wiilasha Colombia koox adag ayey kala hortageen xulka Costa Rica oo uu ka mid yahay wiilka Real Madrid James Rodriguez, balse waxey la kulmeen iska caabin xoogan mana u suuragalin iney kaliya 1-gool ka badan ku garaacaan dhigooda.

DAAWO SAWIRADA


Colombia1 Colombia2 Colombia3 Colombia4 Colombia5 Colombia6 Colombia7 Colombia8

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>