Radamel Falcao ayaa guuldaro ka badbaadiyay Manchester United kadib markii uu dhaliyay goolka barbardhaca ee United markii uu kubad qurux badan ka helay Ashley Young.
Aston Villa ayaa in ka badan 30-daqiiqo ku ciyaartay 10-ciyaartoy markii laga saaray ciyaarta Gabriel Agbolnahor oo qalad ka galay Ashley Young.
Robin Van Persie ayaa nasiib u yeelan waayay inuu dhameystiro kubad uu dhinaca bidix ka keenay Ashley Young daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta.
Aston Villa ayaa gashay daqiiqad waali ah markii ay United weerar xoog leh kusoo qaaday goolka uu goolhayaha ka yahay Guzan, Valencia iyo Mata ayaa ka qeyb qaatay weerarka iyadoo Ashley Young iyo Falcao ay sameeyeen laba isku day balse daafaca Villa ayey ku dhacday daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.
Robin Van Persie ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Manchester United daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta markii uu lugta midig qabadsiiyay kubad karoos aheyd oo ka timid Wayne Rooney, Goolhaye Guzan ayaana si qurux badan ugu dhagay kubada.
Benteke ayaa hogaanka u dhiibay Aston Villa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta kadib markii uu si qurux badan kaga xariiftamay laba ka mid ah xidigaha United, lugta bidix ayuuna kubad jarmo aheyd shabaqa ka galiyay goolka De Gea uu waardiyaha ka ahaa.
Goolhaye David De Gea ayaan dhaq-dhaqaaq sameyn si toos ah ayuuna u daawaday kubada sida quruxda badan shabaqa ugu soo leexatay.
Aston Villa ayaa laba jeer weerar gaadmo ah ku qaaday, Benteke iyo Agbolnahor ayaana sameeyay laba weerar oo qatar ah balse daafaca United ayaa kubadahaas iska soo badbaadiyay.
Ashley Young ayaa shaqo adag qabtay isagoo sameeyay isku day qurux badan oo kooxdiisa uiu barbaro ugu keeno, dhinaca bidix ayuu kubada kasoo galay isagoo damcay inuu kubad laad ah u gudbiyo RVP iyo Falcao, balse kubadii u tuuraya ayaa ku sigatay iney shabaqa gasho balse goolhaye Guzan ayaa si lama filaan ah u badbaadiyay daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta.
Waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta Robin Van Persie ayaa ku fashilmay inuu barbaro u keeno kooxdiisa markii uu kubad ka helay Valencia, balse daafaca ayuu ku garaacay.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda martida loogu ahaa gurigeeda ee Aston Villa.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Aston Villa ay laba jeer u dhawaatay iney hogaanka dheereysato, daqiiqadii 47-aad ee ciyaara Jones qalad uu galay ayey isku dayeen iney ka faa’ideystaan Delph ayaa u dhawaaday balse daafaca United ayaa saaray.
Koornadii ay ka heleen kubadaas, Benteke ayaa halis galiyay goolka Manchester markii uu madax halis ah ku tuuray, De Gea ayaana badbaadiyay.
Robin Van Persie ayaa helay fursad lama filaan ah oo kaga timid Juan Mata daqiiqadii 51-aad ee ciyaarta, kubadii uu goolka la beegsaday goolhaye Guzan ayaa ka badbaadiyay inkastoo uu cadadis Okore.
Radamel Falcao ayaa barbaro u keenay Manchester United daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay kubad karoos aheyd oo ka timid Ashley Young.
Mar kale Man United ayaa u dhawaatay iney hogaanka ciyaarta u qabato, Rooney ayaa kubad joog hoose ah goolka la beegsaday inkastoo Falcao kubad u socotay laga qalday, balse RVP ayaa qlaama rogaal kubad ah ku tuuray goolka balse hawada ayey ka martay.
Fabian Delph ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Aston Villa markii uu kubad awodo leh goolka la beegsaday De Gea ayaa kubada qabsaday inkastoo ay ku dhawaatay iney ka baxsato.
Gabriel Agbolnahor ayaa casaan la siiyay daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta markii uu qalad ka galay Ashley Young, garsoore Lee Masson ayaana si toos ah garoonka uga saaray.
Manchester United ayaa gashay halis dhowr jeer mudo daqiiqad ah markii Weimann iyo Benteke ay laba jeer isku dayeen balse daafaca United ayaa iska saaray.
Aston Villa ayaa soo qaaday weerar gaadmo ah Fabian Delph ayaana si fiican kubad uu kaga soo shaqeeyay farta ka saaray Bocuna kaas oo halis galiyay goolka United.
Waqtigii dhimashada Aston Villa ayaa heshay fursad ay ku dili kareen rajada United isla markaana ay sadexda dhibcood ku heli kareen inkastoo Bocuna uu meel qaldan dhigay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1, ah iyadoo Man United ay wali ku jirto booska sadexaad iyadoo leh 32-dhibcood.