Weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao h ayaa macsalameeyay taageerayaasha kooxda Man United kulankii United bar bar dhaca 1-1 la gashay kooxda Arsenal.
Falcao ayaa kulankan la badalay daqiiqadii 61-aad wuxuuna ka faa’iideestay fursadan asigoo u gacan haatiyay taageerayaasha Man United sidoo kalena uga mahad celiyay xili cayaareedkan sida ay u garab istaageen.
Weeraryahankan awooda badan heshiiska amaahda ee uu Man United kula joogo ayaa bisha June ku eg waxaana la filaa inuu kooxdiisa Monaco dib ugu laabto madaama uu ku guul dareestay inuu Old Trafford saameyn ku yeesho.
Qorshaha wuxuu ahaa hadii Falcao uu Man United anfaco inay xagaagan ku iibsato £43.5 million (€60m) balse arinkan haatan ka hadal malahan madaama Falcao uu ku habsaday hoos u dhac aan loo dul qaadan karin.
Falcao ayaa Man United u saftay xili cayaareedkan 29-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna dhaliyay 4-gool oo qura.
Lama hubo xidigan inuu markale garoonka Old Trafford kasoo muuqan doono asigoo xiran maaliyada Man United sidaa darteed taageerayaasha kooxdan ayuu u gacan haatiyay sidoo kalena masalaamo gaar ah ayuu u diray.