Jamaahiirta Real Madrid ayaa gaashaan u noqonaya macalinka la hadal hayo in shaqada kooxda laga raacdeyn doono ee Carlo Ancelotti madama 7% ay u codeeyeen in Rafael Benitez uu badal u noqdo ninka reer talyaani ee koobabka taariikhiga ah u qaaday xagaagii hore.
Wararka xanta ah ee ay isla dhexmarayaan saxaafada kubada cagta ayaa sheegeya in Ancelotti shaqada kooxda laga raacdeyn doono kadib kulanka Getafe iyadoo loo maleynayo inuu badalo Rafael Benitez.
Wey iska cadahay in madaxweyne Florentino Perez uu midkood Rafael Benitez iyo Jurgen Klopp keeni doono kooxda balse Jamaahiirta Madrid waxey u codeeyeen in Ancelotti uu joogo iyadoo codkooda ka dhiibtay majaladda AS ee Spain kasoo baxda.
Codeynta ayaa aheyd shaqsiga ay Jamaahiirta Madrid doonayaan inuu xagaaga soo aadan leyliyo kooxda waxaana ku magaceesnaa Ancelotti, Klopp iyo Rafael Benitez.
Ancelotti ayaa helay 43.8%, halka Rafael Benitez oo si aad ah loola xiriirinayo kooxdana uu helay 7.79% waxaana sidoo kale codad badan helay Jurgen Klopp kaas oo helay 29.17%.
Dhanka kale Majaladda AS ayaa bogeeda kusoo qortay in Rafael Benitez oo horay laba horyaal oo La Liga ah ula qaaday Valencia uu ku faraxsan yahay inuu maamulo Madrid iyadoo soo xiganeysa wakiilkiisa Manuel Garcia Quilo.
Ugu dambeyntiina La Gazzette dello Sport ayaa ku warantay in Ancelotti uu wicitaan ka helay Silvio Berlusconi kaas oo ka dalbanaya inuu Milan dib ugu soo laabto.