Kulankii ugu horeeyay Rafael Benitez uu maamulo Real Madrid ayaa guuldaro kusoo dhamaaday kadib markii rigoorayaal 6-7 looga adkaaday kulan ka tirsan International Championship Cup.
Kadib 90-daqiiqo oo aan wax gool ah la iska dhalin As Roma waxey u mahad celineysaa goolhaye Morgan De Sanctis iyo burburiyaha dhexe ee reer Mali Seydou Keita.
De Sanctis ayaa rigoore ka badbaadiyay da’yarka Real Madrid Vasquez, balse Keita ayaa soo afjaray nolosha Madrid ee kulanka.
Rafael Benitez ayaa magacaabay koox xoogan oo Madrid ah kulankii maanta waxaana ka mid ahaa: Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Luka Modric, Raphael Varane, Marcelo iyo Sergio Ramos oo ahaa hogaamiyahii Real Madrid ee kulanka.
Sidoo kale Benitez wuxuu ciyarta soo galiyay da’yarka reer Norway Martin Odegaard.
Dhanka kale macalin Rudi Garcia ayaa lasoo shirtagay: Francesco Totti, Daniele De Rossi, Gervinho, Radja Nainggolan and Ashley Cole.
Si kastaba Benitez ayaa sugaya guushiisii ugu horeysay waayahiisa Real Madrid, balse waxaa lagu jiraa xili fasax ah oo aysan kooxda ciyaareynin tartamo culus.
DAAWO SAWIRADA: