Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rafael Benitez Oo Noqonday Macalinkii 10-aad Oo Ee Leyliya Real Madrid Mudada Uu Maamulka Madaxtinimo Ee Koxda Hayo Florentino Perez

Rafael Benitez Oo Noqonday Macalinkii 10-aad Oo Ee Leyliya Real Madrid Mudada Uu Maamulka Madaxtinimo Ee Koxda Hayo Florentino Perez


benitez rafael

Florentino Perez wuxuu madaxtinimada kooxda Madrid soo qabtay sanadii 2000 iyadoo markaas uu kursiga keydka kooxda joogay macalin Vincnt Del Bosque kaas oo haatan ah macalinka xulka qaranka Spain.

Del Bosque ayaa shaqada laga raaacdeeyay sanadii 2003 kadib markii uu kooxda u hogaamin waayay inuu u gudbiyo Finalka Champions League-ga iyadoo aheyd koxda difaacaneysa waxeyna xiligaas ku baxeen gacmaha Juventus.

Carlos Queiroz ayuu Magacaabay Florentino Perez inkastoo 273 maalin kadib uu waayay shaqadiisa, waxaana xigay Camacho sanadii 2004, kaas oo isna waqti dhib badan ku qaatay Bernabeu bil gudaheed ayuuna koxda kaga tagay waxaana la magacabay García Ramón kaas oo noqday macalinkii afaraad ee qabta Madrid mudada uu Perez madaxda yahay.

García Ramón kuma sii waarin kursiga keydka Madrid, afar bilood kadib bishii January 2005 waxaa badalay Luxemburgo waxaana badalay López Caro kaas oo aha shaqsigii ugu dambeeyay madama sanadii 2006 uu xilka madaxtinimo ee Madrid ka dagay Perez.

Sanadii 2009 ayuu Madaxweyne Perez dib u noqday madaxweynaha kooxda Real Madrid waxaana xiligaas talada hayay Manuel Pellegrini, balse waxaa badalay sanadii 2010-kii Jose Mourinho oo isna isaga tagay kooxda 2013.

Carlo Ancelotti ayaa noqday macalinkii 9-aad ee qabta maamulka Madrid mudada Perez, kaas oo sanadkiisii ugu horeeyay kooxda u qaaday afar koob oo muhiim ah balse sanadkiisii labaad ayuu koob la’aan dhigay waana la raacdeeyay dhamaadki bishii May.

Ugu dambeyntiina Rafael Benitez ayaa noqday macalinkii tobanaad ee talada Real; Madrid qabta mudada uu madaxtinimada hayo Florentino Perez, waxaana la magacaabay goor dhaw.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>