Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rafeal Benitez Wuxuu Dabeecad U Leeyahay Koox Walbo Ee Hogaankeeda Loo Dhiibo Inuu Koob U Qaado Fagta Hore!

Rafeal Benitez Wuxuu Dabeecad U Leeyahay Koox Walbo Ee Hogaankeeda Loo Dhiibo Inuu Koob U Qaado Fagta Hore!


Benitez

Madaama kooxda Real Madrid xili cayaareedkan koob la’aan ku dhameesatay wuxuu wargeska Marca taageerayaasha kooxdan kaga farxiyay aqbaar aysan horey u ogeyn.

Waxayna aqbaartan tahay in wargeska Marca uu daaha ka qaaday in tababare Rafeal Benitez dhamaan kooxaha uu horey usoo hogaamiyay in xili cayaareedkiisii kowaad uu koobab muhiim ah u qaaday.

Sidaa darteed taageerayaasha Madrid waxay filan doonaan xili cayaareedka dambe 2015/16 in Benitez uu garoonka Bernabue keeno koobab can ah sidii uu horey kooxaha kaleba ugu soo sameeyay!

Rafa waxaa markii ugu horeesay kooxda Valencia u qaaday La Ligaha Spain mudo 31-sano kadib kooxdan xili cayaareedkiisii kowaad.

Kadib kooxda Liverpool markii uu imaaday sanadii 2005 xili cayaareedkiisii ugu horeeyay Champion-ka ayuu u qaaday mudo 21-sano kadib oo ay Reds hanato tartankan ayuu sabab u noqday!

Sidoo kalena kooxda Inter Milan isla markii loo dhiibay sanadii 2010 koobab deg deg ah ayuu u qaaday sida FIFA Club World Cup.

Haka reebin kooxda Chelsea ee uu si ku meel gaar ah u qabtay sanadii 2013 iyadana tartanka Europa League ayuu u qaaday.

Ugu dambeyntii Napoli xili cayaareedkiisii kowaad wuxuu kooxda reer Talyaani u qaaday Italian Cup sanadii 2014.

Marka Real Madrid iyadana waxay kaga fadhisaa xili cayaareedkiisa kowaad sanadka dambe inuu koob muhiim ah u qaado!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>