Home » Maxaa Cusub » Raheem Sterling Oo Aan Qeyb Ka Noqon Doonin Kulanka Saaxiibtinimo Ee Ay Ingiriiska La Yeelan Doonaan Italy

Raheem Sterling Oo Aan Qeyb Ka Noqon Doonin Kulanka Saaxiibtinimo Ee Ay Ingiriiska La Yeelan Doonaan Italy


26F318AF00000578-0-image-a-52_1427237474884

Macalin Roy Hodgson ayaa fasaxi doona da’yarka Liverpool Raheem Sterling isagoo ku laaban doona gobolka Merseyside sida ay tilmaameen warbixino ka imaanaya ingiriiska.

20-jirkaan heerka caalami ayaa suulka xanuun ka dareemayay isbuucyadii lasoo dhaafay, inkastoo uu qaadanayo cirbado joogto ah oo xanuun baab’iye-yaal ah kulamadii uu ka qeyb galay.

Sterling ayaa qeyb ka noqon doona kulanka ay Lithuania la ciyaari doonaan Ingiriiska kulankaas oo ka dhici doona Wembley waana kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.

The Guardian ayaa cadeysay in Raheem Sterling uu kulankaas kadib dib ugu laaban doono kooxdiisa Liverpool isagoon ka qeyb qaadan doonin kulanka ay afar maalin kadib u safri doonaan Ingiriiska dalka talyaaniga.

Macalin Roy Hodgson ayaa sidoo kale laba ama sadex kale xulkiisa ka saari doona James Milner, Jagielka iyo Baines kuwaas oo dhaawacyo qaba.

Sterling ayaa noqon doona xidigii shanaad ee laga saaro xulka Ingiriiska maalmo gudahood madama Sturridge, Lallana, Shaw iyo Froster Laga saaray waana xidigii sadexaad ee liverpool ah kaas oo laga saarayo xulka Ingiriiska xanuun dartiis.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>