Kooxda Liverpool ayaa lagu wadaa inay markale dalab sedexaad ka hesho naadiga Man City kaasi oo ku aadan Raheem Sterling.
Waxaana lagu wadaa in Man City markan ay miiska soo saarto £50m si ay Sterling arinkiisa usoo gaba gabeyso.
Hadaba xidigan dhalinta yar wuxuu noqon doonaa cayaaryahankii sedexaad ee Liverpool qiimo aad u sareeyo looga iibsado.
Sidaa darteed hoos kaga bogo taariikh ahaan xidigaha ay Liverpool iska iibisay kuwaas oo ay lacago fiican ka heshay bixitaankooda:
Andy Carroll – £15.5m waxay ka iibisay naadiga West Ham
Javier Mascherano – £17.25m waxay ka iibisay Barcelona
Xabi Alonso – £30m waxay ka iibisay Real Madrid
Fernando Torres – £50m waxay ka iibisay Chelsea
Luis Suarez – £75m waxay ka iibisay Barcelona