Home » Maxaa Cusub » Raheem Sterling Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Taariikhi Ah U Saxiixo Liverpool

Raheem Sterling Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Taariikhi Ah U Saxiixo Liverpool


Sterlin

Wixii la hadal haayayba in Raheem Sterling uu garoonka Anfiel isaga tagi doono wuxuu xidigan dhalinta yar go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed u hibeeyo kooxdiisa Liverpool madaama uu aqbalay inuu qalinka ku duugo heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Wargeska Daily Express ayaa si rasmi ah u sheegay in xidigan iyo kooxdiisa Reds ay wada heshiiyeen wuxuuna aqbalay inuu qalinka ku duugo heshiis waqtigiisa dheer yahay kaasi oo u suura galin doono inuu todobaad walbo garoonka Anfield ka qaato £125,000!

Liverpool ayaa tilaabaday si dhaqsi ah ku qaaday madaama ay dhib ku qabtay xiisaha ay Sterling u qabaan kooxaha Real Madrid iyo Chelsea sidaa darteed macalin Brenden Rodgers wuxuu ku guuleestay xidig kooxdiisa muhiim ah inuu ceshto.

19-jirkan ayaa ku faraxsan in ugu yaraan 6-sano ee nagu soo fool leh inuu Liverpool kasii mid ahaado wuxuuna si rasmi ah heshiiskan qalinka ugu duugi doonaa maal maha nagu soo fool leh, Sterling ayaa maray wadadii uu maray saaxiibkiis Daniel Sturridge oo isagana dhawaan qandaraas dheer qalinka ku duugay sidoo kalena laga dhigay xidiga ugu mushaarka badan Liverpool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Raheem Sterling Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Taariikhi Ah U Saxiixo Liverpool

  1. saleebaanliverpool Reply

    14-October-2014 at 1:45 pm

    Waaaw yaa salaam waan sugaynee ma la soo helay Raheem good news waad ku mahadsan tahay guul liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>