Wiilka ka gadoodsan heshiiska cusub oo ay Liverpool usoo bandhigtay ayaa la saadaalinayaa inuu isaga tago garoonka Anfield waxaana fikirkaas qaba caawiyihii hore kooxda Liverpool Phil Thompson.
20-jirkaan heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu isaga tagi doono kooxda Liverpool xagaagan, iyadoo todobaadkaan ay cirka isku shareereen warakaas markii la arkay Sterling oo guri ka raadinaya London isla markaana iska iibinaya gurigiisa Liverpool.
Phil Thompson ayaa aaminsan in Raheem uusan kusii nagaan doonin Anfield isla markaana uu xagaagan ka dhaqaaqi doono kooxda.
“Waxaan u maleynayaa iney adag tahay in Raheem uu kusii nagaado Anfield waqtigaan” ayuu Phil Thompson yiri, “Wuxuu muujinaya dhamaan calaamado muujinaya inuu ka tagayo kooxda”
“Balse hadiiba uu go’aansado inu joogo waa inuu ka badashaa doorka weerar ee kooxda, Liverpoolna ma heli doonto weerar sax ah madama uusan aheyn mid dabiici ahaan goolasha u dhalinaya”
Phil Thompson talo wanaagsan ayuu siiyay xidigaan asal ahaan kasoo jeeda dalka Jamaica, balse qaatay dhalashada qaranka Ingiriiska.