Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi: AC Milan Iyo Shirkada Emirates Airline Oo Heshiis Cusub Wada Saxiixdeen

Rasmi: AC Milan Iyo Shirkada Emirates Airline Oo Heshiis Cusub Wada Saxiixdeen


Milan

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay heshiis cusub la gashay shirkada Emirates Airline kaasi oo waqtigiisa noqon doono 5-sano oo dheeraad ah.

Milan ayaa heshiiskan cusub ka heli doonto aduun lacageed oo gaarayo $125 million sidoo kalena shirkada Emirates ayay Milan sii xayeysiin doontaa ilaa xili cayaareeka 2019/20 laga gaaro.

Heshiiskan cusub sidoo kale waxaa ku jiri doono in shirkada Emirates magaceeda lagu xayeysiiyo garoonka San Serio sidoo kalena ay shirkadan maal galiso soo bar baarinta xidigaha dhalinta yar ee xarumada Milan ku sugan.

Heshiiskan cusb ayaa ka dhigan in 40% sare u qaaday shirkada Emirates lacagaha ay xayeysiin ahaan Milan u siin jirtay, tani waxay muujinee i siyaasada maamulka Milan ay kooxdan dhaqaalaha dheeraadka ah ugu raadinayaan uu haatan guuleestay.

Shirkada Emirates sidoo kale waxay heshiis dhanka xayeysiinta ah kula jirtaa qaar ka mid ah naadiyada qaarada Yurub ugu caansan sida rsenal, PSG, Real Madrid, Hamburg iyo Olympiacos.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>