Adel Taarabt ayaa heshiis shan sano ah la gaaray kooxda Benfica ee dalka Portugal, kadib markii uu QPR kula heshiiyay in la kansalo oo la tirtiro heshiiskii uu kula jiray.
Weeraryahankan reer Morocco ayaa xili ciyaareed xun la qaatay kooxdiisa, balse QPR waxey u laabatay heerka labaad taasna waxey fududeysay in 26-jirkaan heerka caalami uu si xor ugu biiro kooxda Benfica ee haatan ku guuleysatay horyaalkii dhamaaday ee Portugal.
QPR ayaa xaqiijisay goor hore oo maanta ah iney kansashay heshiiskii ay kula jireen Taarabt, iyadoo Benfica ay xidigaan imaatinkiisa iyo heshiiskiisa ay ku shaaciyeen Twitter-ka.
Taarabt ayaan si qurux badn ugu ciyaarin kooxdiisa tan iyo xili ciyaareedki 2012/2013 markaas oo ay horyaalka heerkiisa koowaad usoo dalaceen.
Xidigii hore Tottenham ayaa xagaagii lasoo dhaafay qaab amaah ah kala duwan ugu soo ciyaaray kooxaha Fulham iyo Milan.
Ugu dambeyntii Taarabt haatan wuxuu nasiib u yeelanayaa inuu tartanka Champions League-ga kaga soo muuqdo xagaaga soo aadan.