Halyeeyga Barcelona Xavi Hernandez ayaa ka dhawaajiyay inuu isaga tagayo kooxdiisa marka uu dhamaado xagaagan isagoo heshiis la gaaray kooxda reer Qatar ee Al-Sadd.
35-jirkaan reer Spain ayaa ku dhawaaday inuu isaga tago Barcelona bilowgii xili ciyaareedkaan, balse tababare Luis Enrique ayaa ku qanciyay inuu iska joogo Camp Nou.
Iyadoo ay sidaas tahay isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa isi soo tarayay wararka xidigaan la xiriirinaya kooxo ka dhisan MLS-ka balse ugu dmabeyntii Qatar ayuu iska dhiibay.
Agaasimaha kooxda Muhammed Ghoulam ayaana bogga instagram-ka ku xaqiijiyay isagoo soo saaray sawir uu la galay Xavi Hernandez.
Ugu dambeyntii 16-sano oo uu ku sugnaa Camp Nou waayahiisa kubada cagta ayuu soo idleyn doonaa marka uu dhamaado xagaagan, isagoo 1999-kii nasiib u helay safka hore ee kooxda.