Barcelona ayaa xaqiijisay in saxiixoda cusub Aleix Vidal uu ka gudbay tijaabadii caafimaad ee la marsiiyay gor dhaw isagoo ku sugan Camp Nou.
Aleix Vidal ayaa u ah xidig buuxin kara booska Dani Alves kaas oo la filayo inuu ka tagayo Barcelona marka la gaaro bisha July madama uu dhamaanayo heshiiska uu kooxdaan ku joogo.
Vidal ayaa Barcelona kula soo biiri doona saaxiibkiisii Jordi Alba kaas oo isna Sevilla kaga soo biiray kooxda Barcelona.
Si kastaba Barcelona looma diiwaan galin doono Aleix Vidal madama uu ganaax saaran yahay wuxuuna si rasmi ah ugu ciyaari karaa marka la gaaro January 2016, markaas oo ganaaxa Barca saaran uu ka qaadmi doono.