Angel Di Maria ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolka ugu quruxda badan horyaalka EPL-ka ee xili ciyaareedkii hore laga dhaliyo wuxuuna ku helay goolkii quruxda badnaa oo uu ka dhaliyay Leicester City kulan ay Man United 3-5 guuldaro kala kulantay kooxdaas.
Xidigaan reer Argentina waxey finalka isla yimaadeen Philippe Coutinho oo ku tartamayay goolkii cajiibka ahaa oo uu ka dhaliyay Manchester City ee guusha siiyay Liverpool.
Di Maria ayaa xili ciyaareed foolxun ku qaatay kooxda Manchester United inkastoo uu noqday xidigii ugu qaalisanaa ee ay soo iibsadaan kooxaha Britan madama uu 59.7 Malyan Oo Pound ku yimid Old Trafford.
Codeynta waxey ka socotay bogga twitter-ka ee Premier League-ga Di Maria ayaana loo doortay haatan inuu dhaliyay goolkii ugu quruxda badnaa xagaagii dhamaaday horyaalka Ingiriiska.
HAMBALYO ANGEL DI MARIA