Macalin Pep Guardiola ayaa xarunta tababarka Bayern Munich kusoo dhaweeyay labada xidig ee muhiimka u ah kooxdan Arjen Robben iyo Mehdi Benatia.
Robben dhaawac dhanka muruqa caloosha kasoo gaaray ayaa sababay inuu xidigan garoomada ka maqnaado mudo 5-todobaad ah sidoo kalena kulamo muhiim ah oo kooxdiisa cayaartay ayuu seegay.
Mehid Benatia isagana labo todobaad iyo bar ayuu Bayern ka maqnaa kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu asiibay kulan Bayern la cayaartay Leverkusen wareega 8-aad ee German Cup.
Labadan xidig ayaa tababar dhameestiran sameeyeen waxaana saxaafada la hadlay Robben oo yiri “Waa arin wanaagsan inaan markale dib ugu soo laabtay garoomada haatana aadbay u caafimaad qabaa”
Macalin Pep Guardiola ayaa saxaafada la wadaagi doono inay labadan xidig cayaari karaan kulanka Semi Finalaha German Cup ee habeen dambe Bayern la cayaari doonto naadiga Dortmund.
Waxaana loo badinaa inay kursiga keydka soo fariisan doonaan madaama ay mudo dheer garoomada ka maqnaayeen xaaladooda halis lama galin doono.