Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi Arjen Robben Oo Tababarka Kooxda Bayern Munich Kusoo Laabtay Mudo Dheer Kadib

Rasmi Arjen Robben Oo Tababarka Kooxda Bayern Munich Kusoo Laabtay Mudo Dheer Kadib


Arjen Robben

Weeraryahanka reer Holland ayaa farxad galiyay taageerayaasha Bayern Munich kadib markii uu tababarka kooxdan soo xaadiray.

Arjen Robben dhaawac ayaa la dagay wuxuuna kooxdiisa ka maqnaa tan iyo bartamihii sanadkan asigoo seegay kulamo muhiim ah sidoo kalena Bayern la’aantiisa waxay ku guul  dareesatay inay koobka horyaalada Yurub ku guuleesato.

Arjen Robben oo muhiim u ah kooxda uu hogaamiyo macalin Peo Guardiol ayaa si wacan tababarkii kowaad ee kooxdiisa u dhameestay wuxuuna muujiyay dhaawacii dhanka jilibka iyo muruqa kasoo gaaray inuu kasoo kabtay.

Arjen Robben kooxdiisa Bayern safarkii ay qaarada Asia ku aaday ma uusan kala qayb qaadanin sidoo kalena xidigan diyaar garow wanaagsan wuxuu ku sameeyay gudaha garoonka Allainz Arena.

Arjen Robben oo xaalkiisa ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaan awooday inaan tababar buuxo sameeyo, runtii waan ku faraxsanahay inaan tijaadbii kowaad ku guuleestay”

Sidoo kale xidigaha kala ah Dante, Medhi Benatia iyo joined by Javi Martinez ayaa tababarka Bayern soo xaadireen waxayna kasoo kabteen dhaawacyadii ay qabeen.

Xidigahan muhiimka u ah Bayern ayaa la filaa inay ka qayb qaataan bilawga xili cayaareedka cusub wuxuuna macalin Guardiola doonayaa in dhibaatadii sanadkii hore oo kale kooxdiisa qabsanin.

Madaama Bayern xili cayaareedkii Bayern inta badan xidigaheeda ay dhaawacyo kala duwan waqtigooda ku qaateen.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>