Kubad bur buriyaha xulka Chile Arturo Vidal ayaa si rasmi ah kooxda Bayern Munich ugu biiray kadib markii uu ku guuleestay tijaabadii caafimaad ee laga qaaday.
Bayern Muncih waxay laacibkan tayada wanaagsan €40 million kaga soo iibsatay naadiga Juventus wuxuuna buuxin doonaa booskii uu baneeyay Bastian Schweinesteiger oo dhawaan naadiga Man United ku biiray.
Arturo Vidal ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis gaarayo ilaa xagaaga 2019 wuxuuna garoonka Allianz Arena ku sugnaa 4-xili cayaareed ee nagu soo fool leh.
28-jirkan todobaadkii hore ayuu Bayern la heshiiyay balse waxaa la wada sugaayay inuu Munich soo gaaro sidoo kalena si rasmi ah u dhameestiro heshiiskan.
Bayern sanadii 2011 ayuu ku guul dareesatay saxiixa Vidal xili uu ku sugnaa naadiga Bayer Leverkusen wuxuuna markaas doortay naadiga Juventus.
Balse Bayern 4-sano kadib ayay u suura gashay inay Vidal gacanta kusoo dhigto waxaana la filaa inuu xaliyo dhibaatada Bayern Munich ka heesato dhanka khadka dhexe.