Home » Horyaalada » La Liga Spain » Rasmi: Atletico Madrid Oo Xaqiijisay Iney Wadahadalo Kula Jirto Xidiga PSG Thiago Motta

Rasmi: Atletico Madrid Oo Xaqiijisay Iney Wadahadalo Kula Jirto Xidiga PSG Thiago Motta


Thiago Motta.

Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid  Enrique Cerezo ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay wadahadalo kula jirto kooxda Paris Saint Germain iyadoo ka dooneysa burburiyaha reer talyaani Thiago Motta.

32-jirkaan heerka caalami qandaraaska uu kula jiro Paris Saint Germain wuxuu dhamaanayaa June 2016, balse isaga ayaa doorbidaya inuu isaga hayaamo Parc des Princess.

Laurent Blanc iyo Motta ayaa qilaaf weyn uu soo kala dhex galay dhawaan, waxaana macalinka reer France uu ka dhawaajiyy in Motta uusan kasoo muuqan doonin kooxdiisa mar kale, taasna waxey ku jiheyneysaa xidigaan dib ugu laabashada Vicente Calderon.

“Waa xidig aan aad u xiiseyneyno” Ayuu yiri Cerezo oo la hadlayay Mundo Deportivo.

“Wadahadalada waxey qaadanayaan waqtigooda”

Ma ogaan karo waqtiga uu heshiiska dhameystirmi doono, balse wadahadalada wey socdaan”

Thiago Motta wuxuu waayahiisa ka bilaabay Barcelona ka hor inta uusan 2007-2008 u safan Atletico Madrid, Genoa ayuu ku biiray isagoo uga sii gudbay Inter Milan ka hor inta uusan PSG ku biirin sanadii 2012.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>