Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Bayer Leverkusen Oo Si Toos Ah Ula Wareegtay Daafaca Reer Croatia Tin Jedvaj Oo Ay Milkiyadiisa Laheyd Roma

Rasmi: Bayer Leverkusen Oo Si Toos Ah Ula Wareegtay Daafaca Reer Croatia Tin Jedvaj Oo Ay Milkiyadiisa Laheyd Roma


Bayerena

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay milkiyada daafaceeda dhalinta yar Tin Jedvaj si toos ah ula wareegtay.

Xidigan u dhashay dalka Croatia qaab amaah ah ayuu kula joogay Leverkusen waxaana milkiyadiisa laheyd kooxda Roma balse haatan kooxda reer Jarmal ayaa si toos ah ula wareegtay madaama Roma lagu wareejiyay €7million wuxuuna qalinka ku duugay heshiis waqtigiisa gaarayo ilaa sanada 2019.

19-jirkan ka cayaaro garabka midig ee daafaca ayaa sameeyay hormar aan caadi ahayn tan iyo markii uu bilawgii xili cayaareedkan qaab amaah ah kooxda Bayer Leverkusen ugu biiray.

Waxaana lala yaabay sida sahlan oo ay Roma u fasaxday Tin Jedvaj oo la isku raacay inuu kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku leeyahay.

Tin Jedvaj ayaa xili cayaareedkan Leverkusen u saftay 21-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna u dhaliyay 2-gool taasi oo muujineyso in daafacan hormar wanaagsan sameynayo.

Rudi Voeller oo ah agaasimaha guud ee kooxda Bayer Leverkusen ayaa dadaal dheer u galay sidii uu Tin Jedvaj baaqi ugu ahaan lahaa garoonka Bayerna wuxuuna masuulkan ku guuleestay inuu Roma si toos ah kala wareegaan Tin Jedvaj.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>