Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah uga dhawaajisay in kabtanka labaad ee kooxdan Bastian Schweinsteiger xiliga uu garoomada kusoo laaban doono.
Laacibkan waaya araga ah xili cayaareedkan oo dhan Bayern uma cayaarin waxaana kulan caalami ah ugu dambeeyay Fiinalihii koobka aduunka inkastoo uu xagaagan kulan saaxiibtinimo oo ay Bayern mareekanka ku cayaartay oo kaliya saftay.
Agaasimaha guud ee Bayern Mathiaus Sammer ayaa saxaafada u sheegay in Schweinsteiger uu haatan kasoo kabtay qalinkii jilibka looga sameeyay sidoo kalena uu dhawaan tababar fudud bilababi doono wuxuuna yiri.
“Bastian xaalad wanaagsan ayuu ku sugan yahay waxaana filaa inuu Bayern u safan doono ka hor inta uusan sanadkan dhamaanin”
“Madaama uu dhawaan bilaabi doono tababar u gaar ah dabcan bilaha November am December ayuu Bayern u safan doonaa”
Sidoo kale Agaasime Sammer wuxuu ka hadlay xaalada Thiago Alcantara oo isagana mudo dheer dhaawac garoomada kaga maqan.
“Thiago haatan wuxuu bed qabaa wuxuuna dhawaan soo xaadiray xarunta tababarka Bayern balse xidigan si deg deg ah garoonka kuma keeni doono waxaana ka taxadiri doonaa xaaladiisa madaama uu garoomada ka maqnaa mudo 8-bilood ka badan”