Home » Maxaa Cusub » RASMI: Bosnia-Herzegovina Oo Iska Ceyrisay Tababare Safet Susic

RASMI: Bosnia-Herzegovina Oo Iska Ceyrisay Tababare Safet Susic


Susic

Safet Susic ayaa laga raacdeeyay shaqada tababaranimo ee xulka Bosnia Herzegovina kadib markii uu bilow fool xun ugu bilaabay isreeb-reebka Euro 2016.

Guuldaradii kasoo gaartay Isreal Axadii ayaana sababtay in xiriirka dalkaas uu go’aan ku gaaro inuu isbadal sameeyo waxeyna haatan ku jiraan kaalmaha ugu hooseeya groupkooda madama ay keensadeen 2-dhibcood qura, afar kulan oo ay ciyaareen.

Bosnia waxey si layaab leh kaga soo qeyb galeen koobkii Aduunka ee ka dhacay Brazil, inkastoo ay ku fashilmeen iney usoo gudbaan wareega 16-ka madama ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee groupkooda.

Safet Susic waxaa xilka Bosnia uu la wareegay 2009, taasoo ka dhigan inuu hayay 5-sanadood, balse qaabka xun uu ku bilaabay isreeb-reebka ayaa sababtay in lasoo afjaro waayahiisa Bosnia.

Kulanka xiga ee isreeb-reebka Bosnia waxey wajahi doontaa Andorra kulan dhici doona 28-ka March, 2015.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>