Home » Europe » Champions League » Rasmi: Chelsea Oo Shaaca Ka Qaaday In Faa’iido Dheeraad Ah Usoo Xarootay Sanadkan

Rasmi: Chelsea Oo Shaaca Ka Qaaday In Faa’iido Dheeraad Ah Usoo Xarootay Sanadkan


Blues

Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in faa’iido £18.4m ($29m) ay usoo xarootay sanadkan 2014 waxaana lagu sheegay warbixin sanadeedka naadigan.

Naadiga ka dhisan Galbeedka London waa markii labaad 10-sano ee ugu dambeesay oo ay si rasmi ah daqli faa’iido ku dheehan usoo xaroodo!

Tani waxay ka dhigan tahay in kooxda Roman Abromavic ay sanadkan sameesay daqli lacageed oo aan looga baranin waayo tan iyo markii uu Bilyineerkan Blues la wareegay sanad walbo qasaaro ayay la kulmeesay.

Waxaa kaloo naga xasuusin ah in sanadii 2012 ay Chelsea sidoo kale faa’iido heshay waxayna xiligaas heshay £1.4m, balse sanadkii 2013 ayay markale qasaaro la kulantay naasiib wanaag sanadkan daqli buuran oo faa’iido ah ayaa qasnada kooxdan kusoo dhacday.

Madaama sanadkan Chelsea faa’iido heshay waxay ka bad baadi doontaa inay wax ganaax ah kala kulanto UEFA oo dhawaanahan bilaawday siyaasada ah in la ganaaxo kooxaha lacagaha badan suuqa Yurub ka qarash gareeyaan balse aan faa’iido usoo xaroonin sanad walbo.

Bruce Buck oo ah gudoomiyaha Chelsea ayaa arinkan ka hadlay “Madaama xili cayaareedkii hore aan soo gaarnay nus dhamaadka Champion-ka sidoo kalena aan EPL u tartanay ilaa dhamaadkiisa midaas waxay sababtay inaan faa’iido helno”

“Sidoo kalena waan sii wadi doonaa siyaasadan wanaagsan ee aan ku hagaanineyno dhanka xisaabaadka Blues sidoo kalena Chelsea marwalbo hadafkeeda wuxuu ahaan doonaa inay tartan walbo safka hore kaga jirto sanadaha soo aadan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>