Home » Europe » Champions League » RASMI: C. Ronaldo, Messi & Neuer Oo Isugu Soo Haray Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or 2014

RASMI: C. Ronaldo, Messi & Neuer Oo Isugu Soo Haray Abaalmarinta FIFA Ballon d’Or 2014


FIfa

Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Manuel Neuer ayaa nasiib u yeeshay iney noqdaan sadexda musharax ee ugu dambeynta isugu soo hara abaalmarinta Fifa Ballon d’Or sanadka 2014.

Weeraryahanka Real Madrid kaas oo 29-jir ah ayaa doonaya inuu ku guuleysto markiisii sadexaad abaalmarintaan kadib markii uu horay ugu guuleystay 2008 iyo 2013.

Ronaldo wuxuu kaalin weyn ka qaatay in Real Madrid ay ku guuleysato Champions League xili ciyaareedkii dhamaaday, sidoo kalana wuxuu dhaliyay 17-gool, tartankaas waana rikoor uu isaga dhigay.

Dhanka kale Xidiga Barcelona Lionel Messi ayaa isna doonaya inuu ku guuleysto abaalmarintaan markiisii shanaad madama uu horay ugu guuleystay afar jeer oo xiriir ah intii u dhaxeysay 2009-2012.

27-jirkaan heerka caalami kooxdiisa wax koob ah kulama guuleysan sanadkaan, balse wuxuu sameeyay dadaal shaqsiyadeed oo guuleystay kadib markii bisha November noqday xidiga ugu goolasha badan ebid horyaalka La Liga iyo sidoo kale tartanka Champions League.

Sidoo kale musharaxiinta waxaa ku jira goolhayaha Bayern Munich Manuel Neuer, waana markiisii ugu horeysay oo uu abaalmarintaan kasoo qeyb galo, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu noqday goolhayihii ugu horeeyay ee kasoo muuqda sadexda musharax ee ugu dambeysay tan iyo sanadii 1963-dii xiligaas oo goolhaye Lev Yashin uu ku guuleystay.

28-jirkaan reer Jarmal wuxuu ku guuleystay horyaalka Bundesliga, koobka DFB Pokal, waxaase intaas u dheer inuu koobka Aduunka kula guuleystay Jarmalka.

Inkastoo ku guuleysiga koobkaas ay mudnaan gaar ah sidoo kale ku lahaayeen Toni Kroos, Thomas Muller, Philipp Lahm iyo Mario Gotze.

Ugu dambeyntii FIFA iyo France Football ayaa ku dhawaaqi doona 12-ka January xidiga ku guuleysan doona abaalmarintaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>