Home » Maxaa Cusub » RASMI: Crystal Palace Oo Dhameystirtay Saxiixa Yohan Cabaye Isagoo La Midoobay Alan Pardew

RASMI: Crystal Palace Oo Dhameystirtay Saxiixa Yohan Cabaye Isagoo La Midoobay Alan Pardew


Cabaye

Kooxda Crystal Palace ayaa dhameystirtay saxiixa Yohan Cabaye iyadoo sadex sano heshiis ah la gaartay xidigaan kaga yimid kooxda Paris Saint Germain.

Yohan Cabaye ayaa mar kale nasiib u helaya inuu ka hoos ciyaaro macalinka 53-jirka ah ee Palace maamula madama uu kusoo maamulay kooxda Newcastle United.

Crystal Palace ayaa bixin doonta haatan 10 Malyan oo Pound, waxeyna raacin doontaa 2.8 Malyan Oo Pound uu guno ah, taasoo ka dhigan in 29-jirkaan reer France uu yahay saxiixii ugu qaalisanaa ebid ay soo iibsato kooxdaan.

Si kastaba Yohan Cabaye ayaa aad ugu faraxsan imaatinka kooxda Crystal Palace wuxuuna qiray iney halkaan joogaan ciyaartoy waaweyn isla markaana uu rajeynayo inuu kooxda u hogaamiyo iney tiigsato sideeda koox ee ugu sareeya horyaalka.

Ugu dambeyntii rikoorka uu ku noqda xidiga ugu qaalisan wuxuu ka jabiyay James McCurthur oo ku yimid kooxdaan 7 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>