Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi: Daafaca Reer Talyaani Leanardo Bonucci Oo Heshiis Waqti Dheer U Kordhiyay Kooxdiisa Juventus

Rasmi: Daafaca Reer Talyaani Leanardo Bonucci Oo Heshiis Waqti Dheer U Kordhiyay Kooxdiisa Juventus


Leanardo Bonucci

Daafaca xulka Azzurri  Leanardo Bonucci ayaa waayo cusub ka bilaabi doona magaalada Turin madama uu heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa wuxuuna ku sugnaan doonaa kooxdaan heysata horyaalnimada Serie A-da ilaa 2020-ka.

Maanta ayaa lagu dhawaaqay in Leanardo Bonucci uu saxiixay heshiis cusub xili xidigaan uu ka mid noqday tiirarka ay ku taagan tahay kooxda Bianconerri.

“Waa bilow waayo cusub” Ayuu yiri Bonucci.

Leanardo Bonucci ayaa carabka ku adkeeyay inuu caawin doono ciyaartoyda soo koreysa ee kooxda isla markaana uu ku kaabi doono qibradiisa.

Wuxuu si aad ah u amaanay da’yarka Daniel Rugani kaas oo uu ku sheegay inuu yahay xidig mustaqbal ku leh kooxda Juventus iyo xulka Azzurri wuxuuna xidigaan xagaagan bilowga ah kooxda la bilaabayaa waayo cusub.

Si kastaba Leanardo Bonucci wuxuu Juventus yimid sanadii 2010, wuxuuna kula guuleystay afar horyaal, sidoo kalana horyaalkii shanaad oo xiriir ah ayuu doonayaa inuu kula guuleysto xagaagan bilowga ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>