Kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah u dhameestirtay saxiixa daafaca xulka Braizl Miranda kaasi oo isaga soo hayaamay naadiga Atletico Madrid.
Daafaca reer Brazil ayaa magaalada Milan soo gaaray si uu heshiiska uu Inter kaga mid noqonaayo u dhameestiro waayihii todobaadyadii ugu dambeesay tartanka Copa America ayuu ku mashquulsanaa.
Miranda waa daafac waaya arag ah kaasi oo xili aad u wanaagsan lasoo qaatay naadiga Atletico Madrid asigoo kula guuleestay La Ligaha, Copa del Rey, Europa League iyo tartamo kale.
Macalin Roberto Mancini ayaa soo dhaweeyay saxiixa Miranda wuxuuna ku tilmaamay 30-jirkan daafac xalin karo dhibaatada ay Inter dhanka gadaale ka qabto.
Miranda ayaa noqday saxiixii labaad ee ugu muhiimsanaa oo ay xagaagan lasoo saxiixato waxayna horey gacanta ugu soo dhigtay Geoffrey Kondogbia oo ay 40-milyan oo euro ah kaga soo iibsatay naadiga Monaco.
Inter Milan ayaa la filaa inay saxiixyo dheeri ah sameyso madaama macalin Mancini uu doonayo inuu naadigan dib u dhiso dibna ugu soo celiyo koobka horyaalada Yurub xili cayaareedka dambe.