Dani Alves ayaa heshiis labo sanno ah u saxiixay kooxda Barcelona taasoo soo gabagabeysay
barca ayaa xaqiijisay in daafaca midig uu ogolaaday inuu saxiixo heshiis labo sanno ah islamarkaana uu doorasho u helayo inuu sannad seddexaad ku darsado haddii uu doono.
Alves ayaa si xoogan loola xiriirinayay AC Milan , Manchester United iyo PSG, halka Barca ay isbuucaan xaqiijisay saxiixa Aleix Vidal oo ay kala soo wareegeen Savilla. kaas oo hami wayn sii galiyay kooxaha kuraad joogay Alves maadaama ay ay kooxda badal wanaagsan u heshay booska Dani Alves.
inkastoo uusan Vidal u ciyaari karin Barcelona ilaa iyo bisha Janaayo markaasoo xayiraada suuqa kala iibsiga laga qaadi doono kooxda Barcelona.
Alves ayaa mararar badan Barca ku weeraray sida ay u la dhaqmeen laakiin haatan waxa uu ogolaaday inuu kooxda sii joogo.