Weeraryahankii hore Manchester United Danny Welbeck ayaa seegi doona kulamada fasax aah ee ay kooxdiisa ku aadi doonto bariga Fog ee Asia.
Welbeck tan iyo bishii April ee sanadaan wuxuu la xanuunsanayay dhaawac dhanka jilibka ah kaas oo seejiyay kulamadii ugu dambeeyay horyaalka iyo guushii FA Cupka ee wembley, balse mar kale ayuu dhaawiciisa dib u dhac ku yimid mana aadi doono Asia.
Lama oga waqtiga rasmiga ah ee uu xidigaan kusoo laaban doono garoomada, balse waxaa jirta rajo laga qabo inuu ciyaaro koobka Emirates Cup ee dhamaadka bishaan qabsoomi doona.
Danny Welbeck masoo xaadirin tababarka ay Arsenal haatan isugu diyaarineyso kulamada ay isbuuca soo aadan ku aadi doonto Singapor iyo meelo kale oo Asia ah.
Kulankii ugu dambeeyay Welbeck uu u safto Arsenal waxey aheyd kulan dhacay 26-kii April, kulan ay Arsenal Emirates kusoo dhaweysay Chelsea, balse kama uusan qeyb qaadan finalkii Aston Villa ee FA Cupka.
Dhanka kale kulamada Fasaxa ah Arsenal waxaa soo wajahi doonto weerar la’aan madama sidoo kalana Alexis Sanchez uu maqan yahay waxaana laga yaabaa inuu seego kulamada ugu horeeya horyaalka bisha soo aadan.