Home » Horyaalada » Bundesliga » Rasmi: Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Marco Reus

Rasmi: Dortmund Oo Shaaca Ka Qaaday Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Marco Reus


Marco+Reus+Borussia+Dortmund+v+FC+Bayern+Muenchen+x7XOsVn0Wetl

Kooxda Dortmund ayaa sidii la filaayay si rasmi ah shaaca uga qaaday mudada uu garoomada ka maqnaan doono xidigeeda Marco Reus.

Laacibkan dhanka qoobka ah ayaa dhaawac halis ah kasoo gaaray kulankii ugu dambeeyay Bundesligaha oo ay kooxdiisa la cayaartay naadiga Paderborn.

Waxayna haatan Dortmund si rasmi ah u sheegtay in Reus uusan garoomada kasoo muuqan doonin inta ka harsan sanadkan 2014.

25-jirkan dhaawaca qoobka kasoo gaaray ayaa lagu tilmaamay mid ka sahlan sidii markii hore lagu sheegay balse waa markii 3-aad oo xariir ah uu qoobka dhaawac kasoo gaaro sidaa darteed inta ka harsan sanadkan nasiino ah ayaa loo qoray.

Reus ayaa dib ugu soo laaban doono tababarka Dortmund horaanta sanadka cusub ee 2015.

Hans-Joachim Watzke oo ah masuulka ugu sareeyo Dortmund ayaa ka hadlay dhaawaca asiibay Rues wuxuuna yiri “Waxaan u rajeyna Marco soo kabasho dhaqsi badan iyo caafimaad waaro”

“Sidoo kalena waxaa nagu sii batay nasiib xumada sanadkan nagu habsatay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>