Home » Maxaa Cusub » Rasmi: El-Tiger, Radamel Falcao Oo Dib Ugu Laabanaya As Monaco, Man United Ayaana Xaqiijisay

Rasmi: El-Tiger, Radamel Falcao Oo Dib Ugu Laabanaya As Monaco, Man United Ayaana Xaqiijisay


falcao

 

Manchester United ayaa xaqiijisay ineysan la saxiixan doonin shabeelka Colombia Radamel Falcao kaas oo ay amaah hal sano ah kaga heysatay kooxda As Monaco ee dalka faransiiska.

29-jirkaan ayaa usoo dhaqaaqay garoonka Old Trafford bilowgii xagaagan dhamaadka ah isagoo ku yimid kooxda United 8 Malyan Oo Euro, balse imaatinkiisa EPL-ka wuu ku fashilmay madama uu dhaliyay kaliya 4-gool 26-kulan oo uu kasoo muuqday horyaalka.

Falcao kuma guuleysan inuu safto kulankii Hull City ee ahaa midkii ugu dambeeyay horyaalka kadib dhaawac soo gaaray, taana waxey ka dhigan tahay in xidigaan uu dib ugu laaban doono faransiiska.

Man United waxey heysatay fursad ay xidigaan kugula saxiixan karto hadii ay u baahato aduun dhan 50 Malyan Oo Euro, balse waxey xaqiijisay kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal in xidigaan uusan u qalmin qiimahaas.

Ugu dambeyntiina Falcao wuxuu xulkiisa Colombia kala qeyb gali doonaa Coppa America oo bisha June ee soo aadan ka bilaaban doona dalka Chile.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>