Kooxda West Brom ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay lasoo saxiixatay Rickie Lambert oo ay kooxda Liverpool iska fasaxday.
Warbixin horey loo sheegay ayaa lagu baahiyay in Liverpool iyo West Brom ay ku heshiiyeen qiimaha xidigan oo lagu sheegay 3-milyan oo pound.
West Brom ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Rickie Lambert uu heshiis 2-sano ah u saxiixay kadib markii ay arimo badan ka wada heshiiyeen.
33-jirkan ayaa mudo 12-bilood ah ku sugnaa Liverpool ayadoo xagaagii hore 4-milyan oo pound kaga soo qaadatay naadiga Southampton.
Balse Rickie Lambert ayaa ku guul dareestay inuu garoonka Anfield wax kusoo kordhiyo sidaa darteed la yaab ma ahan in Liverpool ay qiimo jaban ku fasaxday.
Rickie Lambert ayaa xili cayaareedkii hore Liverpool u saftay 36-kulan dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna u dhaliyay 3-gool.
Madaama ay Liverpool xagaagan lasoo saxiixatay Danny Ings iyo Chrsitan Benteke xidigan in la fasaxaayo waxay ahayd mid iska muuqatay.