Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in xidigaha Diego Costa iyo Gary Cahill ay taam u yahiin kulanka finalka Community Shield-ka ee ay finalkiisa Wembley kula ciyaari doonaan Axada kooxda ay sida aadka u xifaaltamaan ee Arsenal.
Costa ayaa loo maleynayay inuu dhaawac ku seegayo kulankaan sidoo kalana Cahill ayaa looga shakiyay inuu sanka ka jabay kulankii ay rigoorooyinka kaga guuleysteen Barcelona dhawaan.,
Si kastaba Mourinho ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulankaan ku xaqiijiyay in Costa iyo Cahill ay taam u yahiin kulankaan isla markaana ay qeyb ka noqon doonan.
Dhanka kale arintaan ayaa la micno ah in xidigahaan ay taam u yahiin sidoo kale kulanka furitaanka horyaalka Ingiriiska oo todobaadka xiga bilaaban doona waxeyna Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonaan kooxda gobolka Wales ka dhisan ee Swansea City.
Ugu dambeyntii Blues waa kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska waxeyna si nadiif ah uga dhex qaaday tartankaan kooxaha Man City iyo Arsenal oo kusoo xigay.