Home » Maxaa Cusub » Rasmi Glen Johnson Oo Ku Biiray Naadiga Stoke City Xili Daafacan Mudo Bil Ah Koox La’aan Ahaa

Rasmi Glen Johnson Oo Ku Biiray Naadiga Stoke City Xili Daafacan Mudo Bil Ah Koox La’aan Ahaa


glen

Daafaca garabka midig  Glen Johnson culees weyn ayaa ka dagay kadib markii uu helay naadi uu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato.

Glen Johnson ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Stoke City sidoo kalena heshiis 2-sano ah ayuu u saxiixay wuxuuna xidigan ku qancay dalabka ay Stoke usoo bandhigtay.

Glen Johnson tan iyo bilawgii bishii June koox la’aan ayuu ahaa madaama ay Liverpool xidigan waaya araga aha iska fasaxday kadib markii uu dhamaaday qandaraaskii uu garoonka Anfield ku joogay.

30-jirkan mudo lix sano ah ayuu Liverpool ka tirsanaa balse haatan wuxuu siweyn ugu hanqal tagaa la shaqeyna naadiga Stoke City iyo macalin Mark Hughes oo rabitaan dhab ah u muujiyay.

Glen Johnson ayaa u safray dalka Singapore si uu kooxdiisa Stoke safarkeeda cayaareed kala qayb qaato waxaana la siiyay fursad uu sanad dheeri ah kusii joogi karo garoonka Britania hadii uu labada sano dhameesto.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>