Home » Horyaalada » italian Serie A » Rasmi Goolhayaha Arsenal Wojciech Szczesny Oo Ku Biiray Kooxda AS Roma Sidii La Filaayay

Rasmi Goolhayaha Arsenal Wojciech Szczesny Oo Ku Biiray Kooxda AS Roma Sidii La Filaayay


Szczesny-contract490asr

Goolhayaha reer Poland kana tirsanaa kooxda Arsenal Wojciech Szczesny ayaa si rasmi ah naadiga AS Roma ugu biiray.

Wojciech Szczesny ayaa wada hadalo la wadan kooxda reer Talyaani maal mihii ugu dambeeyay haatana heshiis rasmi ah ayay wada gaareen.

Wojciech Szczesny ayaa qaab amaah ah kooxda Roma ugu biiray wuxuuna xidigan go’aansaday inuu Arsenal isaga hayaamo kadib markii Petr Cech uu xagaagan garoonka Emirates yimid.

25-jirkan bilawgii sanadkan ayuu booskii Arsenal lumiyay waxaana hogaanka kala wareegay goolhaye David Ospina kadib markii la arkay asigoo meel fagaaro ah sigaar ku cabaayo.

Shabakada Goal.com ayaa sheegtay in Roma ay bixin doonto €400,000 (£281,000) oo ah mudada ay amaahda ku heesan doonto goolhaye Szczesny.

Sidoo kale Arsenal aya fursad dheeri ah u siisay Roma inay goolhayahan si toos ah sanadka dambe ula wareegi karto hadii ay is fahmaan ama uu anfaco.

Szczesny ayaa ku farxasan in mustaqbalkiisa cayaareed uu meel u dhacay madaama uu hadafkiisa yahay inuu xulka Poland si joogto ah ugu qabto sidoo kalena uu tartanka Euro 2016 xulkiisa kala qayb qaato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>