Goolhayaha waaya araga ah Iker Casillas ayaa ugu dambeyntii kooxdiisa Real Madrid macsalaameeyay wuxuuna ku biiray kooxda FC Porto.
34-jirkan waaya araga ah ayaa doortay sanadaha kaga harsan mustaqbalkiisa cayaareed inuu kooxda FC Porto u hibeeyo.
Sidaa darteed Iker Casillas ayaa qalinka ku duugay heshiis 2-sano ah asigoo ku qancay dalabka iyo qorshaha ay maamulka naadiga FC Porto usoo bandhigeen.
FC Porto ayaa si rasmi ah u sheegtay inay Iker Casillas heshiis labo sano ah la gaartay sidoo kalena la siiyay fursad hal sano oo dheeri ah uu kooxda kaga sii mid ahaan karo.
Iker Casillas wuxuu yiri “Waan ku faraxsanahay inaan isbadal sameeyo xiligan sidoo kalena waxaan ahay laacib xiiseenayo inuu FC Porto guulo dheeri ah la gaaro”
Iker Casillas ayaa xarunta Real Madrid kusoo biiray sanadii 1990 asigoo aad u dhalin yar wuxuuna kooxdiisa lasoo qeebsaday guulo taariikhi ah.
Iker Casillas ayaa buuxin doono booska goolhaye Fabiano oo kooxda FC Porto isaga tagay kuna biiray naadiga Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga.