Halyeyga Chelsea Didier Drogba ayaa ka dhawaajiyay in kulanka maanta ay kooxdiisa la yeelan doonto Sunderland uu yahay kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa uu u safto isla markaana uu dhamaadka xagaagan isaga tagi doono Stamford Bridge.
Weeraryahankaan reer Ivory Coast ayaa qiray inuusan ka fariisan doonin ciyaaraha isal markaana hal sano iyo ka badan uu ciyaaraha ku jiri doono isagoo nasiibkiisa ku tijaabin doono meel kale, wuxuuna sidoo kale qiray inuu dib ugu soo laaban doono Chelsea isagoo door kale qaban doona.
“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro hal iyo in ka badan kubada cagta, waxaan dareemayaa inaan u baahanahay koox kale” Ayuu yiri Drogba.
“Dhamaan jamaahiirta wey ogyahiin inaan jeclahay kooxda, waxaana halkaan kusoo laaban doonaa anigoo door kale kooxda ugu shaqeyn doona”
Si kasaba Drogba ayaa ka tagay Blues sanadii 2012, kadib markii uu u qaaday Champions League, inkastoo laba sanadood kadib uu dib ugu soo laabtay xagaagan.
Ugu dambeyntiina Didier Drogba wuxuu noqon doonaa kabanka kooxda Blues ee kulanka Sunderland taasoo ah sharfid lagu sharfi doono xidigaan.