Home » Maxaa Cusub » RASMI: Halyeey Thierry Henry Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Kooxdiisa New York Red Bulls Isaga Hayaami Doono

RASMI: Halyeey Thierry Henry Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Kooxdiisa New York Red Bulls Isaga Hayaami Doono


henry

Ruug cadaaga reer France ayaa si lama filaan ah kaga dhawaajiyay inuusan baaqi kusii ahaan doonin naadiga New York Red Bulls marka uu dhamaado qandaraaska uu haatan kaga xamaasho MSL-ka dalka Mareekanka.

Theiry Henry ayaa s rasmi ah u sheegay inuu kooxdiisa isaga hayaami doono marka uu dhamaado xili cayaareedkan.

37-jirkan ayaa la hadal haayay inuu cayaaraha si rasmi ah ugu fariisan doono balse Henry ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono tilaabada xigta ee uu qaadi doono.

“Waxaan kaga faa’iideesanaa fursadan inaan nasiib xumo ka dhawaajiyo inaan markale naadiga New York Red Bulls u cayaari doonin”

“Go’aankan horey ayaan  gaaray oo ah marka aan qandaraaskeyga dhameesto inaan New York Red Bulls isaga hayaamo”

“Aadban ugu raaxeestay halkan 4-sano iyo bar ee aan ku sugnaa waxaana doonayaa inaan u mahad celiyo qof walbo oo ku aftirsado naadiga New York Red Bulls”

“Waan nasan doonaa kadiban todobaayada xigta waxaan ka fikiri doonaa tilaabada xigta ee aan qaadi doono”

Henry ayaa naadiga New York Red Bulls u dhaliyay 51-gool asigoo u saftay 122-kulan sidoo kalena halyeegan wuxuu dhiibay 42-kubadood

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>