Halyeeygii hore kooxda Juventus iyo xulka qaranka Faransiiska David Trezeguet ayaa soo afjaray waayahiisa kubada cagta waxaana la filayaa inuu jago maamul ka qabto kooxdiisii hore Juventus.
David Trezeguet ayaa waayahiisa ugu dambeeyay ku qaatay horyaalka ay u bateen ciyaartoyda duqowday ee Indian Super League wuxuuna ka tirsanaa Pune FC.
David ayaa dalab ka helay kooxda Modena ee heerka labaad dalka talyaaniga ka tirsan, balse warbaahinta Argentina ayaa qortay in 37-jirkaan uu doortay inuu siibo kabaha kubada cagta.
David Trezeguet wuxuu usoo ciyaaray kooxaha Platense, Monaco, Hercules, River Plate, Newell’s Old Boys & Pune ayaa haatan shaqo maamul ka qaban doona kooxda Juventus.
Saxaafada talyaaniga ayaa ku warantay in David uu dib ugu soo laaban doono magaalada Turin, isagoo Pavel Nedved kula biiri doona maamulka kooxda.