Harry Kane ayaa markii ugu horeysay xiran doona calamada hogaaminta kulanka ay goor dhaw kooxdiisa Tottenham la ciyaareyso Burnley kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska.
Kane ayaa noqday boqorka London kadib markii uu kasoo hilaacay EPl-ka, waxeyna tasi sababtay in looga yeero xulka qaranka Ingiriiska isagoo saftay laba kulan oo caalami ah.
Harry Kane wuxuu kabtanimada ku xiran doonaa maanta maqnaashaha Kaboul, Vertonghen iyo Hugo Lloris kuwas oo dhaawayco ku maqan.
Ugu dambeyntiina Kane ayaa taageero u ahaa kooxdaan waxaana sidaas uu u noqday kabtanka afaraad ee kooxda Spurs.