Home » Maxaa Cusub » Rasmi Ibrahim Afellay Oo Ku Biiray Kooxda Stoke City Iyo Qaabka Uu Kaga Mid Noqday

Rasmi Ibrahim Afellay Oo Ku Biiray Kooxda Stoke City Iyo Qaabka Uu Kaga Mid Noqday


Ibrahim Afellay

Kooxda Stoke City ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay lasoo wareegtay xidiga reer Holland Ibrahim Afellay.

29-jirkan ayaa kooxda Stoke City kusoo biiray wuxuuna ugu yimid si xor ah kadib markii uu ka dhamaaday qandaraaskii uu kooxda Barcelona kula joogay.

Madaama ay kooxda Stoke City ku guul dareesatay soo xero galinta Xherdan Shaqiri ayay go’aansatay inay Ibrahim Afellay gacanta kusoo dhigto.

Ibrahim Afellay wuxuu noqday cayaaryahankii 8-aad oo ay kooxda Stoke City xagaagan lasoo saxiixato waxaana la filaa inuu xili cayaareedka cusub si joogto ah kooxdan kaga dhex muuqdo.

Madaxa kooxda Stoke Tony Scholes wuxuu yiri “Ma ahan arin la qarinaayo in Afellay ay kooxo badan ku raad joogeen waxaana ku faraxsanahay inuu Stoke City doortay”

“Ibrahim wuxuu ku faraxsan yahay ka cayaarista Premiership-ka England wuxuuna Stoke ka heli doonaa wax walbo ee uu niyada ku haayo”

Afellay waxaa garoonka Britania kusoo dhaweyn doonaan xidigaha Barcelona horey kaga tirsanaan jireen ee haatan Stoke ka mid ah sida Bojan, Marc Muniesa iyo Moha oo dhawaan Barca kazoo tagay isagana Stoke ku sugan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>