Ilo ku dhaw kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa Sunday People u xaqiijiyay in kooxdaan ay wali bartilmameed ka dhiganeyso Gareth Bale iyadoo 44-maalmood kaliya ay ka hartay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
United ayaa iska soo xirtay wadahadaladii ay Madrid kala laheed Gareth Bale bilo hore.
Balse waxey markaas diirada saareen arimaha la xiriira mustaqbalka David De Gea iyo Sergio Ramos oo ay wali sheekadooda taagan tahay.
Man United ayaa ku adkeysaneysa in De Gea uusan meel aadin, halka Madrid qudheeda ay iyadana dooneyso in Ramos uu joogo waxaana laga yaabaa in loo magacaabo kabtanka cusub ee kooxda.
Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyay iney sameyn doonaan saxiix layaab leh ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
26-jirkaan heerka caalami ee xulka Wales ayaa ku yimid Real 85 Malyan Oo Pound, wuxuuna laba sanadood ka hor ka guuray EPL-ka.
Si kastaba waa macquul in Bale uu kasoo dago Old Trafford marka la fiiriyo hab dhaqanka Jamaahiirta Madrid ee xagaagii dhamaaday.
Ugu dambeyntii Real Madrid waxey xidigaan ku qiimeysay haatan 95 Malyan Oo Pound waana qiimo waali ah in xidig laga bixiyo.