Home » Horyaalada » italian Serie A » RASMI: Inter Milan Oo Roberto Mancini U Magacowday Macalinkeeda Cusub

RASMI: Inter Milan Oo Roberto Mancini U Magacowday Macalinkeeda Cusub


Mancini-Coppa490ai_0

Roberto Mancini ayaa la xaqiijiyay inuu yahay macalinka cusub ee Inter Milan isagoo xilka ka badalay Walter Mazzarri oo maanta laga ceyriyay kooxda.

Macalinkii hore Manchester City ayaa dib ugu laabanaya garoonka Sansiro gaar ahaan kooxda Nerazzurri, halkaas oo uu ku qaatay afar sano mudadii u dhaxeysay 2004 ilaa 2008, ka hor inta uusan badalin Jose Mourinho.

“Maanta waxaan qaadanay go’aan adag madama aan ceyrinayay Mazzarri” ayuu yiri Erick Thohir

Roberto Mancini waxaa si rasmi ah uu kooxda ula wareegi doonaa berito markaas oo shir jaraa’id toos loogu shaacin doono kaas oo la rabo inuu qabsoomo 3:00 Galabnimo xiliga Geeska Afrika.

Inter Milan waxey ceyrisay aroortii jimcaha Walter Mazzarri kaas oo qaab xun ku bilaabay xili ciyaareedkaan wuxuuna kooxda fadhiisiyay booska 9-aad.

Sida lagu helay xog hordhac ah tababare Roberto Mancini wuxuu kooxda u saxiixay heshiis laba sano iyo bar ah, waxaana uu maamuli doonaa Inter Milan kulankiisa ugu horeeya kulanka Milan Derby ee ay ciyaari doonaan 23-ka November.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>