Home » Europe » Champions League » Rasmi Ivan Rakitic Oo Noqday Cayaaryahankii 3-aad Ee Goolka Ugu Dhaqsiyaha Badan Finalaha Champion-ka Ka Dhliyo

Rasmi Ivan Rakitic Oo Noqday Cayaaryahankii 3-aad Ee Goolka Ugu Dhaqsiyaha Badan Finalaha Champion-ka Ka Dhliyo


rakitic

Kubad sameeyaha reer Croatia Ivan Rakitic ayaa galay buuqa lagu qoro iskoorada taariikhiga ah ee koobka horyaalada Yurub madaama goolkii uu kooxda Juventus ka dhaliyay uu noqday midii 3-aad ee ugu dhaqsiyaha badnaa kaasi oo Finalaha tartankan laga dhaliyo!

Ivan Rakitic kaliya kooxdiisa Barcelona ma uusan kula guuleesanin Champion-ka sidoo kalena iskoor cusub ayuu dhigay xidigan madaama uu daqiiqadii 4-aad gool kaga naxsaday kooxda Juventus kulankii 3-1 kusoo idlaaday.

Halyee Paulo Maldini ayaa heesto iskoorka goolka ugu dhaqsiyaha badan ee Champion-ka laga dhaliyo wuxuuna daqiiqadii 1-aad kaga dhaliyay naadiga Liverpool sanadii 2005.

Sidoo kale Gezk Mendieta ayaa kaalinta labaad fadhiyo marka laga hadlaayo iskoorka goolasha ugu dhaqsiyaha badan ee cayaar Final ah tartankan laga dhaliyo.

Wuxuuna Mendieta daqiiqadii 3-aad gool kaga dhaliyay naadiga Bayern Munich asigoo ka tirsanaa kooxda Valencia sanadii 2001.

Rakitic wuuxu Maldini iyo Mendieta kaga duwan yahay labadan xidig inkastoo ay goolasha Finalaha si dhaqsi ah ku dhaliyeen hadana labadan xidig labadooda naadi isla habeenkaas koobka ayaa laga qaaday.

Laakiin Rakitic Champion-ka ayuu calfaday sidoo kalena kula dabaal dagay kooxdiisa Barcelona guusha taariikhiga ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>