Home » Horyaalada » La Liga Spain » RASMI: Jackson Martinez Oo Xaqiijiyay Inuu Ku Biirayo Kooxda Atletico Madrid Marka Uu Suuqa Furmo

RASMI: Jackson Martinez Oo Xaqiijiyay Inuu Ku Biirayo Kooxda Atletico Madrid Marka Uu Suuqa Furmo


Martinez

Weeraryahanka kooxda Porto Jackson Martinez ayaa xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Xidigaan reer Colombia ayaa la hadal hayay inuu bishaan bilowgeedii ku biirayo Milan, balse haatan wuxuu xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda Atletico Madrid si uu badal ugu noqdo Mario Mandzukic oo ku biiray Juventus kal hore.

Jackson Martinez wuxuu xaqiijiyay inuu heshiis afar sano ah la galay kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone wuxuuna ku rajo weyn yahay inuu raaco wadadii Falcao uu u hogaamiyay Atletico.

“Waxaan xaqiijin karaa inaan aadayo Atletico” ayuu Martinez u sheegay Vina del Mar.

“Halkaas ayaan aadayaa anigoo afar sano heshiis ah la galay, bal ma ogi xiliga la isoo bandhigayo”

“Waxaan rajeynayaa inaan noqdo xidigii labaad ee Colombia ee ku aflaxa Atletico kadib Falcao” Ayuu ku weyneeyay xidiga Monaco ee Radamel Falcao.

28-jirkaan heerka calami ee xulka Colombia wuxuu Porto kusoo biiray 2012 isagoo kaga yimid kooxda reer Mexico ee Chiapas, 21-gool ayuuna dhaliyay xagaagii dhamaaday.

Ugu dambeyntii Jackson Marintez wuxuu Atletico Madrid ku imaanayaa aduun dhan 35 Malyan Oo Euro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>